Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Wareysi uu siiyey telefishinka Al Jazeera, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayuu ku sheegay in ciidammada militariga ee dalkiisu ay diyaar u yihiin inay “weerar qoto dheer ku qaadaan Israa’iil.”
Madaxweyne Pezeshkian wuxuu carrabka ku adkeeyay in fikirka ah in barnaamijka nukliyeerka ee Iran uu yahay “mala-awaal,” maadaama, sida uu sheegay, barnaamijka nukliyeerka Iran uu “ku jiro maskaxda saynisyahannada dalka” ee aanu ku jirin “goobaha nukliyeerka.”
Wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan xaqa ay u leeyihiin kobcinta uranium-ka iyo barnaamijka nukliyeerka.
Madaxweynaha Iran ayaa u sheegay Al Jazeera: “Israa’iil ayaa na weerartay,” balse Iran sidoo kale waxay “si xoog leh u weerartay gudaha Israa’iil,” inkastoo, sida uu sheegay madaxwyne Pezzekian, Israa’iil “aanay shaacin” khasaaraha ka dhashay weeraradaas.
Mr. Pezeshkian wuxuu sidoo kale sheegay in sababta ugu weyn ee ka dambeysa “sirdoonka ku dhex milmay” heerarka ugu sarreeya ee milatariga dalkiisa, taas oo uu sidoo kale qiray, ay ahayd sida ay Israa’iil u adeegsatay “tignoolajiyada iyo awoodaha Maraykanka.”
Waraysiga uu siiyay Madaxweynaha Iiraan telefishinka Al Jazeera ayaa noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo weerarkii gantaallada ahaa ee lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Udeid ee duleedka magaalada Dooxa.
Madaxweyne Pezeshkian mar kale wuxuu ku celiyey mowqifka dalkiisa ee ah in “Iiraan aysan wax niyad ah u haynin inay weerarto dalka Qatar.”
Wareysi uu bixiyay Abbas Araghchi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa la hadlay warbaahinta Mareykanka ee Fox News. Wuxuu ku adkeystay in dalkiisu uusan joojin doonin barnaamijkiisa nukliyeerka, balse wuxuu sheegay in Tehran ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho Mareykanka, hase yeeshee aysan ka tanaasuli doonin xaqa ay u leedahay in ay uranium-ka kobciso ama barnaamijkeeda gantaallada.
Wareysigan, wasiir Araghchi wuxuu sidoo kale Fox News u sheegay in hoggaamiyaha iyo dowladda Iran aysan wax qorshe ah ama siyaasad ah u lahayn dilka Donald Trump, iyo xubno kale oo uu mgacaabay. Wuxuu intaas ku daray in hal-ku-dhigga “Geeri ha ku dhacdo Mareykanka” ee ka jira Iran uu inta badan liddi ku yahay “hoggaamiyaasha Mareykanka,” ee aan ujeedku ahayn shacabka Mareykanka.
Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa is barbardhigay hadallo hore oo uu jeediyay Ayatollah Ali Khamenei, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, oo uu ku yiri: “Geeri ha ku dhacdo Mareykanka micnaheedu waa geeri ha ku dhacdo Trump, John Bolton, iyo Mike Pompeo — micnaheedu waa geeri ha ku dhacdo madaxda Mareykanka.”
Wuxuu Araghchi u sheegay weriyaha Fox News ee Brett Baier, isagoo ka jawaabaya su’aal la xiriirtay diyaar garowga Iran ee ah inay joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka: “Iran marnaba kama tanaasuli doonto barnaamijkeeda kobcinta uranium-ka. Kartidan waxaa na siiyay saynisyahannadeenna, waana astaan qaran oo sharaf noo leh. Awoodda Iran ee kobcinta uranium-ka waa mid muhiim noo ah.”
Wareysigaasi sidoo kale wuxuu Araghchi ku sheegay in dhaawaca loo geystay xarumaha nukliyeerka ee dalkiisa uu yahay mid “aad u weyn,” wuxuuna yiri: “Dhaawacaasi awgiis, barnaamijkeenna kobcinta uranium-ka si ku meel gaar ah ayuu u istaagay. Waa dhaawac aad u culus oo halis ah.”
Hadallada madaxda Iran ayaa ku soo aadaya iyadoo bishii June ee la soo dhaafay uu dhex maray dagaal socday 12 maalmood, iyaga iyo Israa’iil kaasoo dhanka hawada ahaa isla markaana gaystay khasaare xooggan.
Markii dambe madaxweyne Trump ayaa ku guuleystay in uu xabad-joojin kala dhex dhigo labada dhinac, iyadoo dagaalkaas saameyntiisa laga dareemay meelo badan oo Bariga Dhexe ugu horreeyo.